Samaynta oobigaKuvallinen versio

Haddii dembi lagaa galay gee saldhiga booliska oobi. Oobiga suubi sida ugu dhakhsaha badan, maxaa yeelay booliska waxay u sahlaysaa in uu baaro dembigaa.

Oobiga waxaa u suubin kartaa siyaabo badan. Waxaad tegi kartaa saldhiga booliska ama waad wici kartaa. Haddii boolisku yimaado meesha dembigu ka dhacay waa u sheegi kartaa. Oobiga waxaa ku gudbin kartaa E-mailka ama faksiga.

Oobiga waxaad geyn kartaa saldhig walaba. Xitaa qof kale baa kuu samayn kara oobiga, haddii aadan adigu samayn karin.

Haddii aad markhaati haysatid ka qoro magacyadooda iyo cinwaankooda iyo telefoonkooda. Markhaatiga waxaa loo baahan karaa markii dembiga la baarayo ama maxkamadda.

Boolisku wuxuu kaa qorayaa sidii wax u dhaceen. Waxaa intaa dheer oo boolisku kaa qoranayaa magaca markhaatiga, magac dembi laga galaha iyo magaca dembi gaystaha.

Haddii arrintu khusayso guri la jabsaday, ha xaaqin intuuna boolisku imaan ka hor.

/h2>

Boolisku wuxuu ku weydiinayaa ma rabtaa in luguu xukumo. Haddii aad ku jawaabtid maya, waxaa dhici karta in xeerilaaliyuhu uu dembigaas u gudbin maxkamadda oo halkaa ku dhammeeyo.
Su'aashaan jawaabteedu waa muhiim in xeerilaaliyuhu ogaado, maxaa yeelay waxaa ku xiran in dembiga la oogo iyo in kale.

Caddayta dhakhtarka

Haddii dembi lagaa galo oo dhaawac luguu gaysto, aad dhakhtarka sida ugu dhakhsaha badan. Dhakhtarku wuxuu kuu qorayaa caddayn sida wax kuugu yaalliin, taas oo aad geynaysid maxkamadda. Caddayntaas waa muhiim, haddii aad ka codsanaysid caymiska ama dowladda kharash.

Haddii lugu kufsaday, ha is dhaqdhaqin hana iska beddelin dharka inta aad u tagin dhakhtarka ka hor, haddii ay macquul tahay.

Dembi shakhsiyeed

Dembi shakhsiyeedka wuxuu boolisku baari karaa, haddii dembi laga galuhu oobi geeyo oo kaliya, rabana in loo xukumo. Dembiyadaas oo kale waxaa ka mid ah jeebsiibka,
wax ku dhufashada fudud, haddii laga galay qof qaan gaar ah. Haddii dembi laga galuhu aanu rabin in loo xukumo, boolisku maba galaayo arrinta.

Dembiga hoostaga xeerilaaliyaha offishalka ah

Dembiyada intooda badani waxay hoostagaan xeerilaaliyaha offishalka ah. Macnaheeduna waa dembiyada uu boolisku mar walba baaro, xitaa haddii qofka dembiga laga galay aanu rabin in dembigalaha la ciqaabo. Tusaale ahaan dilidda nabar ku dhufashada ah iyo kufsashaduba waa dembiyo hoostaga xeerilaaliyaha offishalka ah. Dembiyadan boolisku wuu baaraa, xitaa haddii qofka dembiga geystay uu qoyska ka mid yahay.