| Haddii dembi lagaa galo |
Qofkasta dembi waa laga geli karaa. Markaas way fiican tahay in aad taqaannid, waxyaabihii aad ku dhaqaaqi lahayd. Qofka dembiga laga galo xaq buu u leeyahay in uu helo caawimaad dhaqaale iyo mid sharciyeed.
Qoraalkaan waxaa lugu sharaxayaa wixii aad ku dhaqaaqi lahay, haddi dembi lagaa galo. Waxaa kale oo wax lagaagga sheegayaa sida dembiyada loo baaro iyo sidii aad adiguba u horumarin lahayd baaritaanka dembiyada.
Warbixin tafatiran waxaa ka heli kartaa saraakiisha dowladda.
Qoraalkaan waxaa qaybiya heeganka dembi laga galaha, booliska, xafiisyada arrimaha bulshada (sooshalka) iyo xarumaha caafimaadka. Qoraalkan wuxuu ku qoran yahay Finnish iyo Iswidhish (qoraalka dowliga iyo kan baahbaahsan) iyo Ingiriis, Ruush, Carabi iyo Soomaali. Carabiga iyo Soomaaliga waxaa laga turjumay qoraalka baahbaahsan. Qoraallada luuqadaha kala duwan waxaad ka heli kartaa internetka wasaaradda cadaaladda cinwaanka http://www.om.fi/.
Wasaaradda caddaaladda
Waxsaaradda arrimaha gudaha
Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada
| Dembiyada waxaa loo baaraa sidan soo socota |
| 1. Dembi laga galaha ama qof kale baa oobi geeya saldhiga booliska. |
| 2. Booliska baa howsha bilaabaya |
| 3. Boolisku wuxuu arrinta u gudbinayaa xeerilaaliyaha. Xeerilaaliyuhuna wuxuu arrinta u gudbinayaa maxkamadda ama wuxuu go'aaminayaa in uu gudbin oo meeshaas ku dhammeeyo. |
| 4. Maxkamadda baa arrinta ka fariisanaysa xukuna ka bixinaysa. |
| 5. dembi laga galaha iyo kan dembiga lugu oogayba abiil bay ka qaadan karaan xukunka, haddii aanay ku qanacsanayn |
| 6. Haddii xukunka abiil laga qaato arrintu waxay u gudbaysaa maxkamadaha sare. Maxkamadahaas baana go'aaminaya in abiilka la aqbalo in kale. |
| Samaynta oobiga |
Haddii dembi lagaa galay gee saldhiga booliska oobi. Oobiga suubi sida ugu dhakhsaha badan, maxaa yeelay booliska waxay u sahlaysaa in uu baaro dembigaa.
Oobiga waxaa u suubin kartaa siyaabo badan. Waxaad tegi kartaa saldhiga booliska ama waad wici kartaa. Haddii boolisku yimaado meesha dembigu ka dhacay waa u sheegi kartaa. Oobiga waxaa ku gudbin kartaa E-mailka ama faksiga.
Oobiga waxaad geyn kartaa saldhig walaba. Xitaa qof kale baa kuu samayn kara oobiga, haddii aadan adigu samayn karin.
Haddii aad markhaati haysatid ka qoro magacyadooda iyo cinwaankooda iyo telefoonkooda. Markhaatiga waxaa loo baahan karaa markii dembiga la baarayo ama maxkamadda.
Boolisku wuxuu kaa qorayaa sidii wax u dhaceen. Waxaa intaa dheer oo boolisku kaa qoranayaa magaca markhaatiga, magac dembi laga galaha iyo magaca dembi gaystaha.
Haddii arrintu khusayso guri la jabsaday, ha xaaqin intuuna boolisku imaan ka hor.
/h2>Boolisku wuxuu ku weydiinayaa ma rabtaa in luguu xukumo. Haddii aad ku jawaabtid maya, waxaa dhici karta in xeerilaaliyuhu uu dembigaas u gudbin maxkamadda oo halkaa ku dhammeeyo.
Su'aashaan jawaabteedu waa muhiim in xeerilaaliyuhu ogaado, maxaa yeelay waxaa ku xiran in dembiga la oogo iyo in kale.
Haddii dembi lagaa galo oo dhaawac luguu gaysto, aad dhakhtarka sida ugu dhakhsaha badan. Dhakhtarku wuxuu kuu qorayaa caddayn sida wax kuugu yaalliin, taas oo aad geynaysid maxkamadda. Caddayntaas waa muhiim, haddii aad ka codsanaysid caymiska ama dowladda kharash.
Haddii lugu kufsaday, ha is dhaqdhaqin hana iska beddelin dharka inta aad u tagin dhakhtarka ka hor, haddii ay macquul tahay.
Dembi shakhsiyeedka wuxuu boolisku baari karaa, haddii dembi laga galuhu oobi geeyo oo kaliya, rabana in loo xukumo. Dembiyadaas oo kale waxaa ka mid ah jeebsiibka,
wax ku dhufashada fudud, haddii laga galay qof qaan gaar ah. Haddii dembi laga galuhu aanu rabin in loo xukumo, boolisku maba galaayo arrinta.
Dembiyada intooda badani waxay hoostagaan xeerilaaliyaha offishalka ah. Macnaheeduna waa dembiyada uu boolisku mar walba baaro, xitaa haddii qofka dembiga laga galay aanu rabin in dembigalaha la ciqaabo. Tusaale ahaan dilidda nabar ku dhufashada ah iyo kufsashaduba waa dembiyo hoostaga xeerilaaliyaha offishalka ah. Dembiyadan boolisku wuu baaraa, xitaa haddii qofka dembiga geystay uu qoyska ka mid yahay.
| Baaritaanka hore ee dembiga |
Baaritaanka hore ee dembiga boolisku wuxuu bilaabaa, marka uu helo warka dembiga ku saabsan. Baaritaanka hore ee dembiga boolisku wuxuu baaraa si uu u ogaado, waxa dhacay, cidda arrintu khusayso iyo khasaare noocee ah ayuu dembigu keenay.
Dembiyada hoostaga xeerilaaliyaha offishalka ah ee dembigu uu yahay mid aad u fudud, waxaa dhici karta in baaridiisa uu boolisku iska dhaafo. Qofka dembiga laga galay ayuu boolisku ogeysiiyaa, haddii ay noqoto in aan dembiga baaritaan lagu samaynayn.
Boolisku wuxuu kuugu yeeri karaa waraysi. Haddii ballanta waraysigu kugu haboonayn waad beddeli kartaa oo kala heshiin kartaa booliska ballan cusub. Haddii dembigu u muuqdo mid fudud boolisku wuxuu kugu waraysan karaa telefoon.
Waraysiga booliska iyo maxkamaddaba waa in aad sheegtaa sidii dembigu u dhacay. Waa in aad runta ka hadashaa marwalba. Haddii aad xasuusatid goor danbe wax la xiriira dembiga lagaa galay la xiriir booliska.
Booliska baa ka qoraaya horudhaca baaritaanka fayl, kaas oo u diraayo xeerilaaliyaha. Xaq baad u leedahay in aad faylkaas koobi ka heshid, kaas oo bilaasha ah. Sidoo kale dembi lugu ooguhuna xaq buu u lee yahay in uu helo koobi bilaash ah.
Faylkaas waxaa lugu qoraayaa magaca, taariikhda dhalashada, cinwaanka dembi laga galaha, haddii aad doonaysid in dembi galuhu aanu ogaan magacaaga iyo cinwaankaaga waad diidi kartaa in faylkaas lagu qoro.
Haddii dembigu aanu sidaas u weyneyn, boolisku ganaax buu siin karaa dembi lugu oogaha, sidaasna waxaa la samayn karaa, haddii dembi laga galuhu ogolaado. Maxkamadana looma gudbinayo danbigaas. Xeerilaaliyaha baan soo xaqiijinaya ganaaxaas. Haddii dembi lugu soo ooguha la siiyo ganaax, muhiim ma aha in horudhaca baaritaanka la suubiyo fayl.
| Dembi oogid |
Markii boolisku uu diyaariyo faylka horudhaca baaritaanka, waxaa loo diraayaa xeerilaaliyaha. Xeerilaaliya baa go'aaminaya in dembiga la oogo, taa macnaheedu waa in dembiga loo gudbiyo maxkamadda oo looga baaraan dego.
Xeerilaaliyuhu wuxuu kale oo go'aamin karaa, in aan dembiga la oogin. Sidaasna badanaaba waxaa la yeelaa markii dembigu fudud yahay ama wax caddayn ah aanay jirin. Xeerilaaliyuhu ma oogo dembiga, haddii dembi laga galaha iyo kan dembiga galay ay heshiiyaan.
Dembi laga galuhu wuxuu ku raaci karaa xeerilaaliyaha codsiga khasaare gudshada oo uu soo jeediyey ama halkaas buu ku codsan karaa mid ka duwan kan xeerilaaliyuhu soo jeediyey. Dembi laga galuhu dembi wuu oogan karaa, haddii xeerilaaliyuhu aanu oogin. Markaas uu sidaas suubin karo waa markii waraysigii booliska ku sheego in loo xukumo dembi galaha.
| Heshiisiin |
Dembiga waa laga heshiin karaa, haddii dembi galaha iyo dembi laga galuhu ay ogolaadaan in ay heshiiyaan. Heshiisiintu khasab ma aha waana lugu kala dareeri karaa iyadoo dhexda looga jiro.
Heshiisiin waxaa dhexgala dad aan wax kharash ah ku qaadan oo loo tababaray. Ayagoo ku dhex jira ayaa la rabaa in ay xal gaaraan dembi galaha iyo kan dembiga laga galay. Heshiisiintu waxay noqon kartaa tusaale ahaan raalligelin, kharash la gudo ama shaqo gudid. Heshiisiin mar walba qoraal baa la kala qortaa.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan heshiisiinta waxaad ka heli kartaa booliska. Dembiga haddii laga heshiiyay, waxaa dhici karta in maxkamadda loo gudbiyo, taasina waxay dhacdaa markii xeerilaaliyuhu u arko in arrintu aanay heshiis kaliya ku ekaan karin.
| Maxkamid saarid |
Maxkamadda waxaa looga yeeraa badanaaba dhammaan dadka arrintu khusayso iyo markhaatigaba. Waraaqda laguugu yeerayo waxaa lugu sheegaa in goob joognimadaadu khasab tahay iyo in kale. Haddii dadka loo yeeray mid ka mid ah uu maqan yahay waxaa dib loo dhigayaa maxkamadda.
Haddii goobjoognimadu khasab tahay waxay maxkamaddu ku siinaysaa kharash, tusaale ahaan kharash maalmeed, kharashkii kaaga baxay safarka iyo mushaharka maalintaas kaa baaqday.
Haddii aad maxkamadda uga baaqatid sabab la'aan, maxkamaddu waxay ku siin kartaa ganaax. Sababaha aad ku maqnaan kartid waxay tusaale ahaan noqon karaan jirro, taas oo aad la imaan weydey maxkamadda. Jirradaana waa in aad gadaal maxkamadda ka keentaa waraaq caddayn ah oo aad dhakhtarka ka soo qaadatay. Haddii aad ogtahay sabab aad ku imaan karin maxkamadda, si dhakhso ah maxkamadda u soo wargeli.
Maxkamid saaridda ka hor waxaad xeerilaaliya ama xoghayntiisa wax ka waydiin kartaa maxkamadda. Shaqaalaha maxkamaduna way ku caawin karaan, haddii aad u baahan tahay wax ku saabsan maxkamadda.
Badanaaba maxkamid saariddu waa ay u furan tahay dadweynaha in ay daawadaan. Maxkamaddu kiisaska kufsiga ku salaysan waxay gudagashaa fadhi albaabadu u xiran yihiin. Taas waxaad ka codsan kartaa qareenka.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan maxkamid saaridda waxaad ka heli kartaa cinwaanka internetka www.oikeus.fi iyo wasaaradda caddaaladda qoraalkeeda Maxkamid saaridda arrimaha dembiyadda (Rikosjutun käsittely käräjäoikeudessa).
Qoraalkaas waxaad ka heli kartaa internetka wasaaradda caddaaladda ee cinwaanka www.om.fi/11907.htm.
| Codsiga khaasara gudka |
Dembi gala waxaa saaran waajib ah in uu gudo dhibtii uu gaysto. Wargeli booliska, haddii khasaare ku soo gaaray, aadna rabtid in luguu gudo. Codsiga khasaara gudka waxaad codsan kartaa, haddii hantidaadu kaa lunto ama kaa jeexmato. Sidoo kale waxaad codsan kartaa in luguu cesho, haddii kharash kaaga baxo daawo ama dhakhtarku kharash uu kaa qaato. Dhaawaca iyo xanuunka aad dareemaysid kharash baad ku codsan kartaa, waxaa kale oo kharash ku codsan kartaa dhibta maskax ahaan kuu soo gaartay.
Xafido cadaymaha aad kharashka ku bixisay, kuwaas oo kaaga baxay dembiga lagaa galay. Kharashkaas waxaa ka mid ah caymiska inta adiga kugu soo aada, taas micneheedu waa caddadka caymisku aanu bixinayn. Haddii ay dhacdo in aad safartid si aad u soo xallisid dembiga lagaa galay, xafido waraaqda lugu siiyay markii aad bixisay kharashka safarka. Waxaa ka gudan kartaa dembi galaha kharashkaas.
Khasaare gudashada waa in aad u sheegtaa booliska marka ugu horaysa oo uu ku waraysanayo. Maxkamadda xeerilaaliya baa soo bandhigaya, haddii kharash gudashadu bayaan tahay, lana qeexay sababta loo codsanayo.
Haddii xeerilaaliyuhu ka soo jeedin maxkamadda codsiga khasaare gudashadda. Xeerilaaliyuhu ayadoo qoraal ah buu gudbinayaa. Markaas dembi laga galaha baa maxkamadda ka sheegan kara wuxuu doonayo in loo gudo. Waxaa kale oo dembi laga galaha u codsan kara qof kale, tusaale ahaan sharci yaqaanka dembi laga galaha.
| Xukunka iyo abiil ka qaadshadiisa |
Maxkamaddu xukun isla fadhigii bay ku bixin kartaa ama waxay cayimaysaa xilligga xukunka la bixin doono.
Waxaad abiil ka qaadan kartaa go'aanka maxkamadda hoose, abiilkaaguna wuxuu aadayaa maxkamadda racfaanka. Haddii aadan ku qanacsanayn go'aanka maxkamadda waxaad haysataa asbuuc aad ku soo wargelisid, in aadan ku qanacsanayn go'aankaas. Waxaad haysataa markaas 30 cisho oo aad ku soo qoratid codsiga abiilka. Codsigana waxaad usoo diraysaa maxkamadda hoose. Waraaq lugu sharaxaayo sida abiilka loo qaato waxaa lugu soo daray go'aanka lugu siinayo.
| Caawimaad sharciyeed |
Xaq baad u leedahay in aad heshid caawimaad sharciyeed, markii aad oobi keentid booliska. Xitaa marka boolisku ku waraysanaayo iyo marka aad maxkamadda la koraysid dembiilaha.
Dadka qaata mushaharka yar iyo kan dhexdhexaadka ah waxay dowladda ka heli karaan kaalmo sharciyeed. Taas waxaa loola jeedaa dowladda baa bixinaysa lacagta uu qaato sharci yaqaanka kuu doodaya dhammaanteed ama qayb ka mid ah. Waxaad kaalmo sharciyeed ka codsan kartaa xafiisyada dowladda ee kaalmo sharciyeedka. Sharci yaqaan waxaad ka dooran kartaa sharci yaqaannada dowladda, kuwa madaxa banaan ama sharci yaqaan kale. Kaalmo sharciyeed waxaad heli kartaa inta lugu jiro arrimaha dembiyada.
Maxkamadda ayaa ogolaan karta in ay bixiso kharashka ku baxaaya sharci yaqaanka iyadoo aan fiirinayn dakhliga ku soo gala. Xilligaasna waa markii dembigu ku salaysan yahay kufsi ama qof familka ka mid ah dembi uu kaa galay. Kharashka sharci yaqaankana waxaa bixinaya dowladda.
| Caawiye |
Haddii qofka dembiga laga galay rabo wuxuu codsan karaa qof garab taagnaada oo caawiya inta kiiska dembigu socdo. Caawiyaha waxaad ka heli kartaa heeganka dembi laga galayaasha, kuwaas oo kuu keenaya dad shaqadooda loo carbiyey. Caawiyuhu ma bixiyo kaalmo sharciyeed, laakiin waxaa laga helaa caawimaad nafsiyeed ah oo uu siiyo dembi laga galaha iyo eheladiisa.
Maxkamaddu waxay dembi laga gala u qaban kartaa caawiye, markii dembigu ku salaysan yahay kufsi ama qof familka ka mid ah dembiga suubiyay. Waxay kale oo maxkamaddu dembi laga galaha u qaban kartaa caawiye, haddii maxmaddu u diido dembi laga galaha sharci yaqaan. Markaasna kharashka caawiyaha dowladda baa bixinaysa.
| Xaq u yeelashada turjumidda |
Dembi laga galuhu xaq buu u leeyahay inta lugu jiro kiiska dembiga, in uu adeegsado luuqadda uu yaqaan. Haddii saraakiisha dowladda aanay ka dhexayn luuqad ay isla garanayaan wuxuu adeegasan karaa turjubaan. Turjumidda waxaa loo baahan karaa waraysiga booliska, dhakhtarka iyo maxkamaddaba. Saraakiisha dowladda baa qabanqaabinaya turjumidda.
Haddii dembi laga galaha luuqaddiisa hooyo aanay ahayn Finnish ama Iswidhish xaq buu u leeyahay in uu isticmaalo luuqaddiisa hooyo. Dadka Lapland-ka ah xaq bay u leeyihiin in ay isticmaalaan luuqaddooda hooyo, haddii ay joogaan deegaanka ay degaan. Saraakiisha dowladda baa diyaarinaysa turjimidda haddii loo baahdo.
| Qalalaasaha qoyska |
| Dembiga laga galo carruurta |
Qaangaarku waa in uu ka taxadaraa inuu booliska soo wargeliyo dhammaan dembiyada laga galo carruurta.
Carruurtu waxay u baahan yihiin qof metela, markai la waraysanayo ama maxkamadda uu fuulaayo khaas ahaan, haddii carruurta iyo waalidka muran ka dhex taagan yahay. Arrintani waxay muhiim tahay, haddii dembiiluhu ka tirsan yahay qoyska. Carruurtana waa in loo qabtaa sharci caawiye.
Boolisku waa in uu duubaa waraysiga carruurta laga qaadayo, haddii dembiga carruurta laga galay uu yahay kufsi ama dembi qalalaaso ah. Marka la duubo waraysigii laga qaaday carruurta loomana baahna in looga yeero maxkamadda.
| Diidmada u soo dhawaanshaha |
Haddii qof naftaada si joogto ah kuugu dhibo ama kuu hanjabo, waxaad codsan kartaa diidmada u soo dhawaanshaha. Diidmada u soo dhawaanshaha waxaa go'aamin karaa in uu dhibuhu uuna u soo dhawaan gurigaaga iyo meesha aad ka shaqaysid kulana soo xiriirin.
Diidmada u soo dhawaanshaha waxaad ka codsan kartaa booliska ama maxkamadda, af ahaan mamaqoraal ahaan. Xafido dhammaan caddaymaha ku saabsan hanjabidda iyo dhibidda tusaale ahaan farriimaha la xiriira hanjabidda.
| Codso kaalmo iyo caawimaad |
Dembi lagaa galo wuxuu wax u dhimaa degenaanshaha qofka. Haddii khibradaas aad uga fekertid kaalmo raadso. kaalmada waxad ka heli kartaa xarumaha caafimaadka, xafiisyada arrimaha bulshada, heeganka dembi laga galaha iyo guryaha badbaadada.
Telefoonka guud ee caawinta: 112
Telefoonka heegenka booliska:10022
Heegenka dembi laga galaha:
Xarunta kufsiga dumarka:
Laynka dumarka: 0800-02400
Xarunta dadka islahadlay ee Finland
Warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa internetka tusaale ahaan cinwaanadan soo socda:
www.oikeus.fi
Halkaas waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida maxkamad saariddu u dhacdo. Xeerilaaliyaha, kaalmada sharci yaqaanka, xafiiska dad daymaha ka qasba, saraakiisha deeganka aad deggan tahay iyo cinwaanada internetka.
www.poliisi.fi
www.valtiokonttori.fi
www.rikosuhripaivystys.fi
www.tukinainen.fi
www.naistenlinja.com
www.turvakoti.net
www.mielenterveysseura.fi
www.apua.info
www.tuki.net